U bood dhigaalka

Akhriso: Wararki Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Magaalada Guriceel

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemaya magaalada Guraceel ee gobalka Galgaduud halkaas oo ciidama ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo kaa shanaya ciidamada dowladda federaalka iyo xubna ka tirsan ururka Ahlu-sunna ay kuwada sugan yihiin.

Xaaladda saaka ayaa lagu soo waramaya in ay tahay mid colaadeed oo inta badan xaafadaha magaalada ay isaga barakaceen dadki shacabka.

Ciidama ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo kaa shanaya ciidamada dowladda federaalka ayaa xalay gudaha u galay xaafado ka tirsan magaalada oo seddaxdi todobaad ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen ururka Ahlu-sunna waljameeca.

War ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay si nabad ah ku galeen degmada guraceel, sidoo kalena ay ciidamada ay la socdeen xubna ka tirsan maamulka magaalada Guraceel oo horay looga barakiciyay magaalada.

Saldhigga booliiska magaalada guraceel oo fariimo u ahaa maalmihi la soo dhaafay ururka Ahlu-sunna ayaa ka mid ah goobaha ay kooxda isaga baxday markii magaalada ciidamada dowladda ay soo galeen.

Xaaladda saaka ayaa lagu soo warinaya in ay aad u kacsan tahay waxaana dadka qaar ay cabsi ka qabaan in magaalada uu dagaal ku dhexmaro labada dhinac.

Maalmihi la soo dhaafay dadka shacabka ah ayaa magaalada Guraceel isaga barakacayay iyagoo inta badan dadka u qaxay deeganada hoostaga magaalada oo aysan ciidamada labada dhinac ku sugneyn.

Goobjoog News