U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka gobalka Bakool

Sheeko:Amniga

Waxaa isasoo taraya khasaaraha kala duwan ee laga soo warinayo dagaal ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo ururka alshabaab ku dhexmaray deegaankaCaato ee gobalka Bakool.

Labada dhinac ayaa guullo waawayn ka sheegtay dagaal afar iyo labaatanki saac ee la soo dhaafay ka dhacay gobalka Bakool, gaar ahaan deegaanka Caato.

Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhankooda sheegay in ay ku dhawaad 170 shabaab ah ay ku dileen deegaanka Caato dagaalki ka dhacay, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Al-shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxaa ay ku faafiyeen in dagaalkii ka dhacay xadka ay guulo badan ka gaareen ayna ku dileen ciidan ka tirsan Liyuu Police, halka ay ku qabteen maxaabiis iyo saanad ciidan sida ay hadalka u dhigeen, sida ay muujinayaan sawirro ay ku baahiyeen barahooda, iyagoo xusay in dagaalka ay ku dileen askar badan.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxaa ay sheegtay in dagaalka socda ee bilowday shalay oo Jimco ah ciidamada cirka dalkaas ay duqeymo ku dileen saraakiil sare oo Al-shabaab ah oo uu ku jiro Fu’aad Maxamed Qalaf madaxii dacwada ee Al-shabaab iyo saraakiil sare, mana jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo dhankooda cadeynaya geerida horjoogayaasha la dilay.

Dalgaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police oo kaashanaya kuwa federalka ayaa waxaa uu galay asbuucii labaad waxaana dhowr jeer uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Bokool ay la wadaagaan dalkaas, dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay hore u sheegtay in ay soo gabagabaysay dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii Al-shabaab ay galeen Afdheer.

Muddo laba todobaad ah oo deegaanada ku yaalla xuduud beenaadka dalkeenna uu la wadaago dhigiisa Itoobiya iyo gudaha dhulka dowlad deegaanka uu dagaal ku dhex marayo ururka Shabaab iyo ciidamad Liyuu, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro fara badan .

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas ee u dhaxeeyay ciidanka Liyuu Police iyo kuwa federalka oo iskaashanaya iyo Al-shabaab lagu dilay Fu’aad Maxamed Qaliif iyo horjoogayaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, sida lagusheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay sarkaal sare oo u hadlay dowladda oo xusay in lagu dilay sedex horjooge.

Fu’aad Maxamed Qalaf oo ahaa madaxii dacwadda Al-shabaab ayaa isaga iyo labada horjooge waxaa lagu dilay duqeymo loo adeegday diyaarado, kadib howlgallo ay qaadeen ciidanka cirka Itoobiya, waxaana horey dowladda Mareykanku madaxii dul dhigtay 5 Million o Dollar, waxaana uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii sida weyn loo doondoonayay muddooyinkii dambe.

Sarkaal sare oo lagu macaabo Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab sida uu hadalka u dhigay  iyo 3 kale oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab. sida lagu xusay qoraal ay baahisay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency, waxaana qoraalka sidoo kale lagu xusay magacyada ragga la dilay.

Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay Al-shabaab u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya. Saddexda hogaamiye ee la dilay intii uu socday weerarka dhabka cirka ah ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin

1.Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab sida loo dhigay qoraalka.

2-.Cabdul Casiis Abu Muscab oo ahaa afhayenka Al-shabaab.

3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa mas’uulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency

Dhinaca kale Cabdul Casiis Abu Muscab oo ahaa afhayenka Al-shabaab, oo kamid ah ragga dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay dagaalka ku dishay oo soo hadlay ayaa sheegay in ay ciidamada Itoobiya ay khasaaaro gaarsiyeen, sida lagu baahiyay baraha internetka ee kooxdaas.