U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Deegaanka Camaara

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka dagan xaaladda deegaanka Camaara gobalka Mudug oo 48-saac ee la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii waa berigii hore ee shalay ururka ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowaldda ay ku lahaayeen deegaanka Camaara, Halkaas oo ay Alshabaab gacan ku heynta degmada ay kala wareegeen ciidamada dowladda saacado kooban, wallow dib Ciidamada ay u qabsadeen Camaara.

Ururka Al-shabaab ayaa dhankooda warar ay ku baahiyeen barahooda Bulshada waxa ay ku soo bandhigeen gaadiid iyo Saanad ciidan.

Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacayo lagu qabtay banaanbax ay soo abaabuuleen dadka shacabka ah iyo maamulka degmada kaas oo looga soo horjeedo ururka Al-shabaab.

Xaaladda deegaanka Camaara ayaa saaka oo khamiis ah dagan xilli ay dib u soo laabteen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada dowladda ayaana waxa ay ka wadaan deegaanka dhaq dhaqaaqyo ay kaga hortagayaan weerarada ururka Al-shabaab.

Goobjoog News