U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaaladda Guriceel

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka dagan xaaladda magaalada guriceel oo tan iyo xalay dagaallo ay ku dhaxmarayeen ciidamada dowladda iyo ururka Ahlu-sunna.

Dagaalka oo waaberigii shalay ka bilaawday gudaha magaalada ayaa sababay in ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa dowladda federaalka iyo ururka ahlu-sunna dhowr jeer gacan ku heynta magaalada ay isku dib maraan.

Illa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka 24-ka saac qaatay ee ka dhacay magaalada guriceel ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan oo ay ku dhinteen saraakiil labada dhinac ka kala tirsan ayaa waxaa ka mid ah ciidamada ku dhintay dagaalka Taliyihii ciidamada danab ee galmudug Cabdiladiif Feyle, taliyihii ciidamada ahlu sunna ee magaalada guriceel sarkaal lagu magacaabo Xasan iyo saraakiil kale ayaa lagu soo waramaya in dagaalka ay ku dhinteen.

Xaaladda magaalada ayaa saaka dagan xilli gacanta magaalada ay ugu jirto ciidamada dowladda, saraakiisha hogaaminaysay ciidamada dowadda ayaa ugu baaqay in dadka shacabka ah ee magaalada ku nagaadaan guryahooda inta laga soo gaba gabeynayo howl galka.

Ciidamada ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa ahlu sunna oo ay sheegeen in ay qabteen intii uu socday dagaalka.

Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada ahlu-sunna ee dagaalka lagu soo qab qabtay.

Goobjoog News