U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii ugu Dambeeyey ee Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Galkacyo

Sheeko:Amniga

Ilaa 14 qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa lagu waramayaa iney ku dhinteen qarax ka dhacay garoonka Cabdullahi Ciise ee magaalada Galkacyo, bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ku dhimatay waxaa ka mid ah taliyaha xoogga dalka qeybta 21-aad Gen. Cabdicaziz Cabduulahi Qooje,  Taliyihii Danab ee Galmudug, guutada 10-aad Brigade Major Mukhtaar Cabdi Aaden, ku xigeenkiisa Axmed Baraafe iyo guddoomiyihii waqooyiga Galkacyo Maxamuud Yaasin Tumey iyo saraakiil kale.

Inkasta oo aan la shaacin weerarka cidda lala damacsanaa, laakin wararka ayaa sheegaya in goobta uu kusoo jeeday ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.

Madax badan oo isugu jira dowladda federaalka, maamul goboleedyo iyo mucaaradka ayaa si simman u cambaareeyey weerarka iyaga oo ku baaqay aargoosi.

Goobjoog News