U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyey Kulanka Farmaajo iyo Madoobe

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan saacado badan qaaatay oo xalay magaalada Muqdisho ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si weyn loo gorfeeyey arrimaha ka taagan gobolka Gedo, taas oo kamid aheyd dhowr shuruud oo horay Jubbaland u dalbatay ka hor kulanka sedex geestoodka ah ee Farmaajo Deni iyo Madoobe.

Warar hoose oo warbaahintu helayso ayaa waxaa uu sheegayaa in arrinta gobolka Gedo la isla qaatay in loo saaro guddi farsamo, kaas oo labo xubin ah, waxaana uu ka shaqeyn doobaa sidii gobolka loogu celin lahaa Jubbaland.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu furmo shirka u dhaxeeyo madaxda maamullada Puntland Jubbaland iyo Farmaajo, kaas oo lagu  wado heshii wadar ogol ah looga gaaro hannaanka doorasho ee dalku aadayo sanadka 2020-2021-ka.

Madaxda dowlad goboleedyaada Juubaland ayaa soo gaaray Muqdisho si ay ula kulmaan Farmaajo loogana hadlo arrimaha doorashooyinka, maadaamada ay ka maqnaayeen madashii Dhuusamareeb3 oo lagu sixiixay doorashada.

Goobjoog News