U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyey Shuban Biyood Ka Dilaacay Baladweyn.

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa isa soo taraayo saameyta xanuunka Shuban Biyoodka ee ka dilaacay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan iyo tuutooyinka hoosyimaada.

Xanuunka ayaa ilaa hadda waxaa u geeriyooday 3 ruux kuwaas oo ku geeriyooday tuulooyinka ka dib markii lagala daahay in lageeyo xarumaha caafimaadka.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo caawa Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in maamulka uu diyaariyey xarun lagu karantiilo dadka xanuunka uu soo ritay, si loo xakameeyo inuu faafo.

Guddoomiyaha ayaana xusay in maamulka uu diyaariyey gaadiid la doonayo in lagu gaaro tuulooyinka ka fog magaalada si dadka xanuunka loo soo gaarsiiyo xarumaha caafimaad. Maamulka gobalka ayaa dalbanaayo in lala soo gaaro daawo iyo agab caafimaad oo deg deg ah maadaama ay xaaladda sii adkaanayso saacadba saacadda ka danbeyso.

Image may contain: one or more people, people sitting and outdoor

Image may contain: 1 person, sitting and shoes

Image may contain: 2 people, people sitting, shoes and outdoor

Image may contain: one or more people

Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

Goobjoog News