U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Baardheere

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baardheere ayaa sheegaya in goordhaw magaalada lagu dilay qof shacab ah oo ku sugnaa suuq  xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada.

Qofka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka deegaanka, kaas oo aad looga yaqiinay magaalada Baardheere ee xarunta gobalka Gedo.

Illa iyo hadda ma cadda kooxda dilka qofkan oo la sheegay in uu aha rag ka dambeysay, balse wararka ayaa sheegaya in dilkan uu yimid xilli saacadihi la soo dhaafay xaaladda maagaalada ay aad u kacsaneyd.

Shalay ayeey aheyd markii koox dhalinyaro ah oo ku hubeysan Baangado iyo Middiyo (Tooreey), ay dab qabad siiyeen dhismaha xarunta caafimaadka ee Bisha Cas.

Kooxdan oo aan la aqoon waxa ay yihiin ayaa la sheegay in ay gebi ahaan burburiyeen xarunta Caafimaadka Bisha Cas.

Maamulka magaalada ayaa dhankooda baaritaano ay ka sameeyeen gudaha magaalada waxa ay gacanta ku soo dhigeen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyen dabka la qabad siiyay xarunta Caafimaad.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa hadda u muuqata mid dagan, xilli maamulka iyo ciidamada dowladda ay ku dadaalayaan sidii loo Xaqiijin lahaa amniga guud ee magaalada.

 

Goobjoog News