U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Magaalada Guraceel

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka markale xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna isku hor fadhiyaan.

Kooxda Ahlu-sunna ayaa waxaa ay xalay magaalada ka sameysay dhaqdhaqaaqyo hor leh oo ay ku soo bandhigayeen ciidamadooda.

Ahlu-sunna ayaa sidoo kale waxa ay gudaha magaalada ay ka sameysatay fariisimo, waxa ayna bilaabeen in xaafadaha magaalada ay isku fidiyaan.

Dhanka kale ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaashanaya kuwa Dowladda federaalka ayaa kaabiga ku soo haaya magaalada ay ku sugan yihiin kooxda suufiyada.

Shacabka ayaa isaga barakacay xaafadaha magaalada iyagoo ka cabsi qabo in dagaal kor kooda uu ka bilaabmo, kaas oo xilli walba la filan karo.

Labada ciidan ayaa wado diyaar garow xooggan, xaaladda magaalada ayaan ah mid u muuqato mid colaadeed oo deegaanka ku soo cusboonaatay.

Goobaha ganacsiga ayaa muddo afar maalin ka badan xiran iyadoo shacabka ay carruurtooda iyo hantidooda magaalada kala baxayaan.

Isku socodka gaadiidka ee magaalada ayaa sidoo kale hakad ku jiro iyadoo Ahlu-sunna ay xalay diideen in magaalada ay soo galaan gadiidka ka yimaada magaalooyinka iyo deeganada guraceel ka agdhaw.

Xalay illa saaka ciidamada Suufiyada ayaa baaritaanno ka wada gudaha magaalada, kuwaas oo ay sheegeen in amniga magaalada ay ku suganayaan.

Dhanka kale waxaa weli leysku fahmi la’yahay wadahadalo ay wadeen odayaasha dhaqanka Guraceel kuwaas oo labada dhinac ugu baaqayay in xaaladda ay nabad ku soo dabaalaan.

Waan waanta ay wadaan Odayaasha dhaqanka ayaa u muuqda kuwa ku soo gaba gaboobaya natiija la’aan xilli la sheegay hogaanka Ahlu-sunna ay ka biya diideen in magaalada isaga baxaan kadib markii loogu baaqay in xaaladda magaalada la dejiyo.

Goobjoog News