U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeyay Qarax Khasaaro Geeystay Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay halka tira intaas ka badan uu dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo ka dhacay deegaanka Cabdi Dhoore oo ah duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca dadweynaha ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah xilli uu marayay wadada xiririsa Kismaayo iyo deegaanka Cabdi Dhoore.

Dadkan ayaa adeegsanayay wadada xilliga uu qaraxa dhacaayey, waxaana wararka ay sheegayaan in inta badan ay dhinteen dadkii gaariga saarnaay.

Qaraxa ayaa dhacay gelinkii dambe shalay oo Jimca aheyd.

Goobjoog News