U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Danbeyay ee Banaanbaxa Beri

Sheeko:Amniga

Beri oo Jimca ah ayaa la filaya in magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbaxii ugu weyna ay soo abaabulaan xubnaha Mucaaradka.

Banaanbaxa oo ka dhici doona Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dhamaan mas’uuliyiinta Midawga Musharixiinta, Xildhibaano ,Siyaasiyiin iyo Shacabka Muqdisho.

Isusoo baxaan ayaa looga soo horjeeda qaabka uu Farmaajo doorashooyinka dalka u wado iyo Joogitaankiisa Villa Soomaaliya maadama uu waqtigiisa uu dhamaday.

Qaar ka mid ah Midawga Musharixiinta ayaa galabta kormeer iyo Indha indheyn ku tagay  taalada Daljirka Dahsoon oo berri uu ka dhici doona Banaanbaxa.

Gudoomiyaha Midawga Musharixiinta ahna Madaxweeynihii hore ee dalka ayaa sheegay si wanaagsan loogu diyaar garoway Isusoo baxa.

Dhanka kale Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo ka tirsanMidawga Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Banaanbaxa uu bilaabmi doono 7:00Am oo subaxnimo .

Xaaladda magaalada ayaa cawa dagan iyadoo dowladda u muuqata in ay yareysay cadaadiska ay ku heysay banaanbaxa.

Musharixiinta ka qeeyb galeysa ayaa sidoo kale caawa ku hoyanaya Hotella ku yaallo aga gaarka goobta uu ka dhacayo Isusoobaxa.

General Indhacadde iyo ciidamadiisa ayaa sido kale la wareegay Amaanka Daljirka Dahsoon.

Sikastaba Beri subaxii ayaa la filayaa in Kumanaan ruux ay isugu soo baxaan Daljirka Dahsoon.