U bood dhigaalka

Akhriso: Warmurtiyeed 7 qodob ah oo ay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Afwerki

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Isaias Afwerki, ayaa waxa ay saacadihii tagay soo saareen warmurtiyeed ka kooban todoba qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen xoojinta xiriirka labada dhinac, sida amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimo kale.

Haddaba halkaan ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran.

  1.  Dhiirageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta.
  2.  xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaansi ee ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.
  3. Balaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kaluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada.
  4. Dhiiragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda.
  5. Kawada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurada faafa.
  6. Kawada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasiloonida iyo Amniga.
  7. Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diiran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee gobalka geeska afrika.