U bood dhigaalka

Akhriso: Warqad Caddeyneysa In Boqoradda Ingiriiska Aqbashay Safiir Cabdiraxmaan Ceynte

Sheeko:Dalka

Warqad ay heshay Goobjoog News waxaa ay cadeyneysaa in Boqoradda UK Queen Elizabeth II ay aqbashay warqadaha safiirka Soomaaliya ee UK 29-kii June, 2017-kii.

Warqaddan ayaa waxaa ay jawaab u aheyd warar la isla dhexmaray oo sheegayey in Mr. Cabdiraxmaan Caynte  aan weli la aqbalin warqadihiisa safiirnimo.

Mr. Ceynte waxaa uu  iska casilay safaaradda Soomaalida ee UK isaga oo sababta ku sheegay arrimo la xiriira dowladda federaalka ah oo bixin-weysay miisaaniyaddii loogu talagalay furitaanka safaaradda.

Cabdiraxmaan Ceynte waxaa uu shaqo ka helay xafiiska qaramada midoobey ee bariga dhexe isaga oo loo magacaabay agaasimaha qorsheynta iyo dejinta siyaasadaha.

Akhriso, Warqadda Ay Boqoradda Ku Aqbashay Safiirka Soomaaliya Ee UK, Mr. Cabdiraxmaan Ceynte

goobjoog

Saddexda Danjire ee uu Madaxweynaha magacaabay Bishii June Ayaa Kala Ahaa:

  1. Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga. Jaamac ayaa ah waji ku cusub siyaasadda gaar ahaan hawlaha dibloomaasiyada, wuxuuna ka tirsanaa ololihii Madaxweyne Farmaajo. Jaamac ayaa hore ugu hungoobay in uu ka mid noqdo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.
  2. Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynteayaa loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK. Caynte waxa uu ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladii ee madaxweynaha ka ahaa mudane Xasan SheekhMaxamuud, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.
  3. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle). Abuukar ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN) u joogi doona Soomaaliya. Abuukar ayaa 3 biloodoo keliya ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xilligii uu Farmaajo ahaa Ra’iisal Wasaaraha dawladii Madaxweyne Shariif SheekhAxmed. Waxaa isagana lagu tiriyaa saaaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.