U bood dhigaalka

Guriceel Oo Lagu Qabtay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug Dagaalki Ahlu-sunna Kadib

Sheeko:Amniga

Xalay waxaa magaalada guriceel lagu qabtay shirka golaha wasiirada dowlad gobaleedka galmudug, kaas oo uu shir guddoominayay madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor.

Shirka ayaa looga hadlay Ajendayaal ay ka midyihiin Amniga galmudug, gurmadka dadkii ku barakacay dagaalka guriceel iyo Maqaamka magaalada.

Shirka ayaa intuu uu socday waxaa warbixin looga dhageystay guddiga gurmadka guriceel intii ay dagaalada ka socdeen magaalada.

Ugu dambeyn golaha wasiirada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay in magaalada Guriceel ay noqoto degmo.

Goobjoog News