U bood dhigaalka

Akhriso: Waxyaabaha Ugu Muhiimsanaa Ee Dhacay Maalinta 1aad Ee Shir Madaxdeedka Afrika

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii 2aad galabay shir madaxdeedka midowga Afrika, shalay waxaa la isku waafaqay arrimo badan oo muran ka taagnaa sida: madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa loo dooray madaxweynaha xilliga ee Afrika, Kagame dalkiisa meel fiican ayuu uga jiraa, waxaa kale oo lagu heshiiyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo ururka, isna maal-geliyo, arrimaha kale oo la isla meel-dhigay waxaa ka mid ah: sidii looga hortagi lahaa tahriibka iyo la dagaalanka musuqa.

Madaxweynaha xilka ka dagaya ee midowga Afrika hoggaamiyaha Guinea Alpha Conde ayaa sheegay in musuqu yahay aafo ku habsatay qaradda Afrika, isla markaana ay waajib tahay in la iska kaashado la dagaalankiisa.

Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo isna goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahanyahay in dowladaha dhammaan ku biiraan qaab cusub oo maal-gelin loogu heli karo midiwga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shirka ka hadlay ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxda Afrikaanka ah in Dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso la dagaallanka musuqmaasuqa, wuxuu xusay Madaxweynuhu in ay sameeyeen Sharciga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, adkeynta Nidaamka Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo qaababka loo raacayo oo ay kamid tahay shaqaalaysiinta Dadweynaha, taas oo u baahan isla xisaabtan iyo in loogu adeego danaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay muhiimad gooni ah siinayso soo celinta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo maamul wanaagga.

Waxaa sanadkan la filayaa in Afrikaan isku-af-gartaan suuq xor ah, waxaa kale dowlada laga rabaa in 0.2% taas oo la sheegayo in kala-ubar dalalka ay aqbaleen.

Goobjoog News