U bood dhigaalka

Akhriso Waxyaabaha uu Dalka Ka Qabtay Safiirka Imaaraadka ee La Weeraray

Sheeko:Dalka

Waxaa shalay qarax lala eegtey safiirka dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, waxaase isweeydiin leh safiirka ma muddanyahay in la weeraro?

Haddaba waxaan halkani kusoo koobeynaa sooyaalka waxqabadka dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya.

Imaaraadka, waxaa ay ka mid ahaayeen dalalka fara ku tiriska ah ee Soomaaliya joogay 25-kii sano ee ugu dambeysay.

Waxaa ay gacanta ku hayaan goobo Waxbarasho, Isbitaalo iyadoo hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka aanay waligeed dalka ka bixin 25 sano ee lasoo dhaafay.

2011-kii, Xiligaas oo Abaaro iyo Cuduro ay ka jireen Soomaaliya, Imaaraadka waxaa uu si fiican u saaciday Soomaalida dhibaateysneyd, Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka iyo Mu’sasada Khaliifa Bin Za’id waxaa ay isku garabsadeen u gargaaridda umadda Soomaaliyeed, iyagoo raashiin iyo dawo u qeybiyay 55 Bar oo ay ku sugnaayeen in ka badan 350 Kun oo Barakacayaal ah, waxaana halkii xero ku dhiman jiray ugu yaraan 5 caruur ah maalin walba.

June 28, 2012: Madaxweyinihii Soomaaliya Sheekh Sharif iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa kula qeyb ka ah wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ku yeeshay magaalada Dubai, dowladd Imaaraadka ayaa fududeysay.

Safiirka hadda jooga ee Maxamed Al-Xamaadi, Waa safiirka ugu dhaq-dhaaqa badan, Safiirada dalka jooga tan iyo markii la magacaabay 2014-kii.

April, 24, 2014: Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi, Waxaa warqadaha safiirnimo ka gadoomay Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxayna arrintani dhidibada u aastay xiriirka dublamaasiyadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Sep 14, 2014: Waxaa dalka Imaaraadka muddo todobaad ah ka soconayey Shir looga hadlayo Burcad Badeedka Soomaaliya.

Horey shirar kuwan oo kale ayaa ka dhacay, waxayna qeyb ka ahaayeen dadaalada Imaaraadka uu ugu jirey sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

January 15, 2015: Safiirka Imaaraadka waxa uu safar ku tagay Puntland isagoo balan qaaday in dalkiisa uu Puntland ka gacan siin doono mashaariic badan.

March 10, 2015: Safiirka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cusmaan ayaa Safar ku tagay magaalada Kismaayo ee Jubbaland,waxaana uu kulan la qaatay Madaxda Jubbaland.

April 2, 2015: Waxaa uu Safiirka Imaaraadka Maxamed Axmed Al-Xaamidi  kulan la qaaday Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay sidii loo hor marin lahaa Waxbarashada dalka Soomaaliya.

May 22, 2015: Imaaraadka waxaa uu Gaadiid dagaal siiyay Maamulka Jubbaland, gaadiidkaasi oo lagu taabogalinayay sugista amniga gobolada Jubbooyinka.

June 4, 2015: Waxaa Magaalada Muqdishu laga furay Isbitaalka Sheekh Zaa’id.

June 10, 2015: Imaaraadka waxa uu deeq gaadiid dagaal, booyado, iyo  Mootooyin Ciidan gudoonsiiyay ciidamada booliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo ahaa agab aad loogu baahnaa.

Waxaa jirey mashaariic iyo hawlo farabadan oo uu Imaaraadka ka qabtay Soomaaliya, waxaana ka mid ah daweynta dhaawacyada marka ay dalka qaraxyo ka dhacaan, iyo waliba sidoo kale tababarista ciidamada amniga Soomaaliya.

Goobjoog News