U bood dhigaalka

Aqriso wixii u qabsoomay dowladda Federaalka Soomaaliya todobaadkii tagay

Sheeko:War
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Xeer Illaaliyaha Guud oo caddeyn ka bixiyey xarigii Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, Jaamicadda Ummadda oo dib loo howlgeliyey, Dowladda Imaaraadka oo deeq raashin ah soo gaarsiisay shacabka, Jaamicadda SIU oo qeyb qaliin lagu kordhiyey, mashruuca yareynta halista hooyada xilliga dhallaanka, mashruuca qaxootiga Soomaaliya, dejinta Siyaasadda badbaadinta Carruurta iyo guulaha ciidamada ee ku wajahan kooxaha argagaxisada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay xarigii Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM oo uu yiri” 21kii August Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in si sharciga waafaqsan loo xiray Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM (oo hal xafiis ku wada shaqeynayey) iyo xariga shaqaalihii idaacadahaas. Ujeedada ayaa aheyd in si deg-deg ah loo joojiyo fal danbiyeed lagu kicinayey shacabka oo ay idaacaduhu ka dalbanayeen shacabka inay hub qaataan oo ay si qabiil ah uga soo horjeestaan ciidanka dowladda, tanoo dhalisay in bannaan-baxyo dhacay la isku dilay. Labadan Idaacadood ayaa si toos ah u tabinayey oo ay u kicinayeen shacabka inay hub qaataan oo si qabiil ah ula dagaalaan ciidanka dowladda oo xilligaas ku howlanaa hub ka dhigis. 18 ka mid ah shaqaalihii waa la sii daayey 48 saac gudahooda, hase yeeshee waxaa weli xiran 3 shaqsi oo lagu tuhunsanyahay inay falkii dhacay mas’uul ka yihiin. 17kii August ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banadir oggolaaday muddo kordhin 21 cisho ah si loo sii wado baaritaanka shaqsiyaadkaas. Baaritaanku markuu dhammaadana maxkamadda ayaa la hor keeni doonaa 3daas shaqsi. Xafiiska Xeer Illaaliyaha waxaa soo gaaray cabasho in shaqsiyaadkaas jir dil loo geystay, oo uu xafiisku isla markiiba amray in baarintaan lagu sameeyo arrinkaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banadir ka dib markii uu arrinkan baaray waxaa u caddaatay inaan haba yaraatee wax jir dil ah lagu sameynin 3daas qof oo wararka tuhunka ay ahaayeen kuwo si cad loo been abuuray. Dowladda Federaalka marnaba ma oggolaan karto in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu xad-gudbo oo jir dil loo geysto. Xeer Illaaliyaha ayaa amray in hay’adaha amniga ay si taxadar ah baaritaanadooda u sameeyaan oo ay dhowraan xaquuqda muwaadiniinta. Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka waxuu diyaar u yahay inuu muwaadin walba kala shaqeeyo sidii uu u heli lahaa caddaalad iyadoo aan waxba loo dhimeynin xaquuqdooda bani’aadanimo oo uu sharcigu siinayo sida ku xusan Dasuurka dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dib u howlgelinta Jaamicadda Ummadda ayaa yiri “16kii August Guddiga Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. Kulankan oo uu shir-gudoominayay Maxadaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Ummadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin Manhajka Jamacada, kuliyadaha lagu furayo, miisaaniyadda jaamcadda, iyo qodoba kale oo muhiim ah. Wasiirka Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamad oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu si rasmi ah u furay Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in laga bilaabo 16ka August 2014 ay jaamacaddu furantahay. Furitaanka Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed 24-sano kadib ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalku ku hormarineyso tacliinta dalka, iyadoo kuliyadaha kala duwan ee jaamicada ay hore uga aflaxeen kumannaan aqoonyahano Soomaaliyeed ah.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey gar-gaarka bani’aadanimo ee dowladda Imaaraadka soo gaarsiisyey Somalia ayaa yiri “18kii August Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa deeq gar-gaar bani’aadanimo soo gaarsiisay shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre ayaa mucaawanadan deeqda ah ka guddoomay Safiirka Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta. Deeqdani gar-gaarka ah ayaa isugu jirtay noocyada kale duwan ee cuntada Dowladda Imaaraadka ayaa ka jawaabtay baaqii Dowladda ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed lala soo gaaro gar-gaar deg-deg ah bacdamaa ay jiraan deegaano ay abaaro ba’ni ka jiraan. Mu’asasada Khaliifa Bin-Zayid ayaa raashinkaasi loo soo wakiishay. Waxaan mahad-gaar ah u dirayaa Dowladda Imaaraadka oo marwalba garab istaagan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa caalamka inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed si looga bad-baado khasaaraha ba’an ee abaaraha.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey qaybta qaliinka ee lagu soo kordhiyay Jaamacadda SIU ayaa yiri “ Aniga iyo wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo mas’uuliiyin ka tirsan Jaamacadaha dalka ayaa 19kii August xariga ka jarnay laab casri ah ee qaybta qaliinka ee Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya (SIU) oo lagu soo kordhiyay meydad ay ardayda ku samayn doonaan qaliinada jirka. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa kormeeray qaybaha sheybaarka, qaybta qaliinada iyo qaybo kale oo Jaamacadda ka mid ah. Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahin ayaa sheegay in Jaamacaddu ay ka go’an tahay sidii ardayda ay u heli lahaayeen tababaro ku filan si loo helo dhaqaatiir tayo leh., taasoo  ku timid heshiis ay horaantii sanadkan SIU la gashay Jaamacadda Kenyatta ee Kenya, kaasi oo ku saabsan dhanka is dhaafsiga ardayda iyo cilmi baaris. Talaabadan ayaa ah mid ku dayasho mudan oo ay maamulka SIU qaadeen. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa amaanay maamulka Jaamacadda caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana sheegay in wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ay soo wado xeerka tacliinta sare ee dalka si loo helo nidaam tayaysan oo dhanka tacliinta sare ee Soomaaliya ku saabsan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey daah furka ol-olaha yaraynta dhimashada xilliga umusha ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa 19kii August ka qayb galay xaflad lagu daah furayay ol-olaha dardar gelinta yaraynta halista dhimashada Hooyada iyo DHallaanka Soomaaliyeed xiliga umusha, waxaana iska kaashaday wasaaradda Caafimaadka iyo hay’ado Caalami ah. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiro, xildhibaano, safiiro, khubaro dhanka caafimaadka ah, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale. Wasiirka cusub ee wasaaradda Caafimaadka mudane Cali Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii loo heli lahaa adeeg caafimaad oo dhamaystiran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro dhal u noqon lahaa barnaamijkan cusub, waana in aan wax ka qabanaa caafimaad xumada haysata Hooyooyinka iyo Caruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab istaagayo hir gelinta adeegyada caafimaadka, oo umad aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican.”

Wasiirka Warfaafinta ayaa ammaanay dadaalka waddamada deriska ee arrimaha Qaxootiga Soomaaliya oo uu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa booqday Addis Ababa si uu uga qeybgalo shirka looga hadlayey arrimaha Qaxootiga oo uu halkaas isaga iyo madaxda 5 dal ay isku afgarteen in la bilaabo mashruuca loogu magic daray (Global Initiative on Somali Refugees (GISR}). Waddamada Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, Uganda iyo Yemen; Midowga Afrika, IGAD, Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM ee Somalia, iyo UNHCR ayaa dhamaadkii shirkooda ay isla qaateen mashruuca GISR maalintii 20ka August. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey inay hal milyan oo qaxooti Soomaali ah ay waddamada deriska ku nool yihiin, halka hal milyan oo kale ay waddanka gudihiisa ku barakaceen oo dhammaantood u baahan daryeel gaar ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waddamada deriska uga mahadceliyey muddadii ay qaxootiga Soomaaliyeed hayeen kana codsaday inay sii taageeraan inta qorshaha dib u soo celinta qaxootiga laga dhameystirayo. Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in qaxtootiga ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay horumarka dalka qeyb mug leh uga qaataan, waana sababta ay Dowladdu u sameysey Hay’adda Qaxtoodiga, Barakacyasha Qaranka Soomaaliyeed, oo wada dadaaladii dowladda Kenya iyo UNHCR uga wada shaqeyn lahaayeen sidii si qorsheysan ay qaxootiga ugu soo laaban lahaayeen dalkooda, oo heshiiskii seddex geesoodka ee 10kii November 2013 uu ujeedadiisu ahaa in qaxtoogia loo helo tasiilaadkii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay dhammaan hay’adaha iyo dalalka ay khuseyso kala shaqeyso sidii qaxootiga Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen daryeel iyo sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga si ay dalkooda horumarkiisa uga qeybqaataan.”

Wasiirka Warfaaftinta oo ka hadlayey tababr 4 cisho ah oo lagu diyaarinayey Siyaasada Baddbaadinta Carruurta ayaa yiri “Tababar 4 cisho ah oo wadatashi ah ayaa loo qabtay hay’adaha dowladda, bulshada rayidka iyo AMISOM oo lagu gorfeynayey sidii diyaarin lahaa Siyaasada Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed. Wasiiradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka Marwo Khadija Maxamed Diriye ayaa AMISOM iyo bulshada rayidka uga mahadcelisay ka qeybqaadashadooda diyaarinta Siyaasadda Badbaadinta Carruurta oo la jaan qaadi kara Siyaasadda Midowga Afirka ee Badbaadinta Carruurta iyo Xaaquuqdooda. Wasiiradda ayaa sheegtay in Siyaasaddan ay wax weyn ka tari doonto dowladda inay hubiso oo ay warbixin ka diyaariso sidii loo horumarin lahaa Badbaadada Carruurta, bacdamaa carruurta ay yihiin mustaqbalkii dalka. Siyaasadan ayaa dhaqangelkeeda ku dhisnaan doonta nidaamka ama siyaasadda dalalka Afirkaanka ah, tanoo keeneysa in la diyaarin doono qorshe-howleedka iyo xeerka badbaadada carruurta. Mudada 4ta cisho ee tababarka ayaa looga hadlay caqabadaha jiri kara iyo istraatejiyadaha loo baahan yahay in lagu dhaqan geliyo iyadoo tusaale loo soo qaadanayey waddamada ku dhaqma nidaamkan. Agaasimaha Guud ee AMISOM Ambassador Epiphanie Kabushemeye Ntamwana ayaa soo dhoweysay in dowladda Federaalka ay diyaariso siyaasaddan carruurta oo qeyb ka ha ujeedooyinka QM ee Hoaurmaka Qarniga. Midowga Afirka ayaa in muddo ahba taageerayey dowladda Federaalka si loo xoojiyo dadaalada lagu badbaadinayo carruurta Soomaaliyeed.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey guulaha ciidamada ayaa yiri “Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Degmada Tiyeglow iyo toollooyin kale oo ku dhow dhow ee gobolka Bakol. Tiyeglow ayaa ah degmo ku taalla goob istraateeji ah, tanoo keeneysa in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab uu noqdo mid lagu guuleysto. Madax dhaqameedka, waxgaradka iyo shacabka degmada Tiyeglow ayaa si wada-jir ah ugu soo dhoweeyey degmadaasi ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee gaaray halkaasi. Sidoo kale Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa tuullooyin kale ee deegaannada Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Gedo ka saaray kooxaha Al-Shabaab, oo halganka lagu ciribtirayo kooxha argagaxisada ah ayaa si wanaagsan u socda, waxaana ka haray muddo kooban inta laga wada saarayo kooxahan dalka oo dhan tanoo qeyb ka ah barnaamijka nabadeynta iyo Xasilinta dalka oo dhan.”