U bood dhigaalka

Akhriso: Wufuudda Kala Duwan ee Laga filayo Garoowe

Sheeko:Amniga

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Garoowe xarunta maamulka Goboleedka Puntland gaaraan wafuud heerkoodu sareeyo kuwaas oo halkaas kaga qeyb galaya shir caalami ah .

Mas’uuiyiinta ka qeyb galaya shirka ayaa waxaa ka mid ah , Madax ka tirsan dowladda federaalka ah, xubnaha midawga musharixiinta , madaxweeynayaal maamul goboleedyo iyo mas’uuliyiin kale .

Munaasibadda soo dhaweynta marti sharafta shirka sanadlaha ah ee machadka daraasaadka siyaasadda Heritage ee sanadkan lagu qabanayo magaalada Garowe ayaa ka socota garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre iyo madaxweeynayaasha maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa la filaya in dhankooda ay goor dhaw ay gaaraan magaalada Garowe .

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisu ku faraxsan yahay martigelinta shirkaan oo muhiim u ah xaaladda dalka & khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Doorashada dalka.

Sikastaba Guddoomiyaasha Golaha Shacabka & Aqalka Sare, Xildhibaanno, Senataro, Musharixiin iyo shaqsiyaad kale ayaa shalay gaaray, xalay kulamo gaar gaar ah ayay la qaataan Madaxda DG Puntland & kuwo kale oo dhexdooda ay yeesheen.

Goobjoog News