U bood dhigaalka

Akhriso: Xaaladda Magaalada Baladweyne Kadib Dagaalki Xalay

Sheeko:Amniga

Waxaa weli aad u kacsan xaaladda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan halkaas oo labadi maalin ee la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad dagaal.

Ciidama uu hogaaminayo sarkal lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa xalay markale weerar ku soo qaaday magaalada kadib markii shalay guddoomiyaha gobalka iyo ciidama k tirsan kuwa x27-aad ee xoogga dalka ay sarkaalka iyo ciidamadiisa ku weerareen deegaanka Qawlad ee dhanka waqooyi ka xiga magaalada Baladweyne ee xarunta ganacsiga Hirshabeelle.

Dagaal saacado kooban gudaha magaalada ku dhex maray ciidamada uu hogaaminayo Nuur dheere iyo mkuwa maamulka ka amar qaato ayaa markii dambe soo dhamaaday.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka markale xalay ka dhacay gudaha magaalada.

Shalay gelinkii dambe ayey aheyd markii sahcabka magaalada baladweyne ay banaanbax ay kaga soo horjeedaan maamulka Hirshabeelle ay magaalada ku qabteen.

Dhanka kale xalay ayey aheyd fiidkii markii  Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Xuseen ayaa Bandow ku soo rogay magaalaa kaas oo uu ku sheegay in looga gol leeyahay sugidda amniga magaalada.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa ku eedeyay in Nuur dheere iyo generaal Xuud oo tan iyo doorashadii Cali Guudlaawe ka soo horjeeday dhismaha Hirshabeelle ay yihiin kuwa taagerayo ururka al-shabaab.

Generaal Xuud oo laanta afka Soomaaliga BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan wax xiriir ah lalaheyn ururka al-shabaab, balse ay wadaan qorsho ay ku dhisayaan maamul u gaar ah Hiiraan.

“Maammul la yirahdo Hirshabelle kama jiro Hiiraan . Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda federaalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahdaa…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sameeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diidannahay”, ayuu yiri Janaraal Xuud.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa labadi maalin ee la soo dhaafay aheyd mid kacsan iyadoo illa iyo hadda aan maamulka Hirshabeelle go’aan rasmi ah ka soo saarin xaaladda.

Horay ayeey aheyd markii dagaallo nuucan oo kale ah magaalada uga dhaceen kuwaas oo lagu diidan yahay imaanshiyaha mas’uuliyiinta ka socota Hirshabeelle.

Goobjoog News