U bood dhigaalka

Akhriso: Xaaladdii Ugu Dambaysay Dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Sheeko:Amniga

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dhimayso howl galadeeda laba aag oo muhiim ah kuwaas oo ka tirsan dhulka Ukraine si ay kalsooni u galiso wadamada u dhaxeeyo labada dhinac ee dagaalka.

Wadahadalada nabadda ee Ukraine iyo Russia ayaa maalmo ka hor ka bilaabmay dalka Turkiga halkaas oo ay xukuumadda Ankara ay labada dhinac miiska wadahadalka iskugu keentay.

Deeggano hoostaga magaalada Lysychansk ayaa lagu soo waramaya dhankeeda in maanta oo arbaca ah lagu garaacay tiro gantaallo ah sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Luhansk ee Serhiy Gaidai.

“Tiro dhismayaal dhaadheer ah ayaa waxyeelo soo gaartay, Dhismayaal badan ayaa dumay,  Samatabbixiyeyaashu waxay isku dayayaan inay badbaadiyaan kuwa weli nool.” ayuu yiri Serhiy Gaidai oo ah guddoomiyaha gobolka Luhansk .

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniino cusub oo ka dhan ah Moscow taas oo la sheegay in ay suura gal tahay in halis ay ku galaan muwaadiniinteeda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay dalka Shiinaha oo ay xulafo yihiin tan iyo markii Moscow ay billowday duullaanka ay ku hayso Ukraine bishii hore.

Moscow ayaa la rumaysan yahay in ay garab iyo taageero waydiisanayso xulafadeeda uu kamid yahay Shiinaha haddii ay fashilmaan wadahadalada.

Goobjoog News