U bood dhigaalka

Akhriso: Xaaladihii Ugu Dambeyay Ee Guraceel

Sheeko:Amniga

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay degmada Guraceel ee gobalka Galgaduud oo muddooyinkii la soo dhaafay isku hayeen ciidamada dowladda iyo urur diimeedka Ahlu-sunna.

Inta badan xaafadaha magaalada ayeey shacabka ku dhaqan isaga barakaceen iyaga oo ka cabsi qabo in dagaal magaalada uu ku dhex maro Ahlu-sunna oo ku sugan magaalada iyo ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa DF.

Ganacsiyada magaalada ayaa guud ahaan xiran kuwaas oo shacabka ay walaac ka muujinayaan in magaalada ay xaalad kacsanaan ah afka u saaran tahay.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa labadi malin ee la soo dhaafay magaalada dhoolatus ku sameynayay magaalada halkaas oo ay ku soo bandhigeen ciidamadooda.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa horay Ahlu-sunna ugu baaqay in ay ciidamadooda magaalada ka saaran.

Maamulka galmudug oo horay ugu baaqay in Ahlu-sunna magaalada ay ka saarayaan ayaan dhankooda illa hadda howl gallo qaadin.

Ahlu-sunna ayaa muddo sanad kadib ah ku soo noqotay deeganada Galmudug, kadib muddo hogaankooda ay dalka dibadiisa ay ku maqnaayeen.

Goobjoog News