U bood dhigaalka

Akhriso: Xiriirka Soo Jireenka Ah ee Qahira iyo Muqdisho

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya 15 May, sanadkaan waxa isbaddal wayn ku dhacay hanaankii shantii sano ee la soo dhaafay loo maamulayay siyaasadda arrimaha dibadda dalkeenna.

Soomaaliya ayaa madmadow xooggan uu kala dhaxeeyay intii ay jirtay xukuumaddii Nabad iyo Nolol ee uu hogaaminayay Maxamed Farmaajo, waxaana dalka dagaal siyaasadeed iyo colaad diblomaansiyadeed uu la galay dalalka Imaarad, Masar, Kenya, Jabuuti iyo saaxiibo kale oo ay horay u laheyd Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay in uu socdaallo aan kala joogsi lahayn oo lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee dalka uu leelayahay dalalkaas uu ku maro Dubia, Jabuti, Nairobi, Asmara iyo Ankara.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u jiheystay magaalada Qahira ee dalka Masar, xilli mugdi madaw uu ku jiro xiriirka Qahira iyo Muqdisho.

Dalalka Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir diblomaansiyadeed oo soo jireen, ah kaas oo ay adkeen in la hakiyo 60-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana labada magaalo ay ahaayeen kuwa isgarab taagan mudadii ay Soomaaliya xurta ahayd.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Qahira waxa uu kulama la qaadan doona madaxda ugu sareyso dalka Masar, waxaana lagu wadaa in ay Muqdisho iyo Masar ay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi, iyadoo dib loo hagaajinayo xiriirka labada dhinac.

Maxuu yahay xiriirka soo jireenka ah ee Masar ay la leedahay Soomaaliya?

 Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa xiriir wanaagsan oo ku qotoma Amniga, dhaqaalaha, shacabka iyo arrima kale oo badan lahaa tan iyo markii ay xurnimada qaadatay Soomaaliya 1960-kii.

Masar waxa ay kamid ahayd saddex dowladood oo qaramada midoobay ay u xilsaaratay in ay kor joogtayn ka noqdaan madaxbanaanida Soomaaliya sanadkii 1954-kii, waxaana dowladahaas ay kala ahayeen Masar, Colombia iyo Philippin.

Kamaalu-diin Saalax oo ah Diblumaasi Masar u dhashay, kana mid ahaa Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u yimid in ay caawiyaan ee la dilay 1957-dii, xiligii gumeystaha Talyaaniga uu joogay koofurta ayaa naftiisa u waayay arrimaha Soomaaliya.

Wixii intaas ka dambayay markii ay Soomaaliya qaadatay xurnimada 1960-kii Qahira iyo Muqdisho waxa ay galeen heshiisyo lagu adkeenayo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalkan ka midaysan diinta iyo qaaradda(Masar iyo Soomaaliya waxa ay ku yaallaan qaaradda Africa).

Soomaaliya ayaa horay qaahira ugu garab istaagtay heshiiskii Nabadda ee Camp David taas oo ay Egypt ay la gashay Isreal sanadkii 1978-dii.

Dowladihii Rayidka ee dalka soo maray iyo middii militeriga ayaa si wadajir ah u adkeeyay xiriirka labada dal ee Masar iyo Soomaaliya.

Markii ay burburtay dowladdii ciidanku uu ka talinayay sanadkii 1991-kii waxa ay Masar ay kamid noqotay dalalkii gurmadka u fidiyay Soomaaliya, xilli ay kaalmaha hore ka soo gashay gurmadkii abaaraha iyo colaadaha ee dalka.

Masar waxa ay sidoo kale Soomaaliya ay ka taageertay intii lagu gudajiray qaranjabka Soomaaliya hanaanka waxbarashada oo ay qayb wayn ka qaadatay, iyadoo iskuulada iyo macaahidda waxbarashada ay qayb ka ahayd dhismaheeda.

Shantii sano ee tagtay ayaay ahayd markii uu mugdi ku bilawday xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii Soomaaliya ay masar kala safatay dalka Itoobiya, muran ku saabsan biyaha wabiga Nile.

Xukuumaddii hore ayaa sheegtay in ay si toos ah u garab taagan tahay Itoobiya oo ay Masar isku haystaan biyaha wabiga Nile.

Sikastaba labada dhinac ayaa ah kuwa iskugarab taagan hanaanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimo kale oo badan, waxaana dib loo bilaabi doona kawada shaqeynta labada dan ee shacabka Masar iyo Soomaaliya.

WQ/ Abdirahman Sabriye 

Goobjoog News