U bood dhigaalka

Akhriso: Xogta Howlgallada Ka Socda Gobolka Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Marka laga tixraaco hadalkii kasoo baxay madaxweynaha uu ku sheegay in dowladdiisa ay dagaal la galayso Al-shabaab ayaa waxaa soo badanayay taageerada ay helaayaan ciidanka dowladda, waxaana Kacdoon uu ka bilowday gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno badan.

Gobolka Shabeellaha dhexe oo marin muhiim ah isku xirka gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay ciidanka dowladda ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo horey ugu sugnaayeen Al-shabaab oo ay ka talinayeen  sano badan, waxaana ay lumiyeen deegaanno dhowr ah oo laga saaray.

Ciidankaan oo muddooyinkii dambe isku uruursanayay deegaan xeebeedka Cadale, oo ku jiray abaabulkii ugu dambeeyay ayaa ka bilaabay howlgalkooda deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Bacad ee gobolka Shabeellaha dhexe, kuwaas oo marin u ahaa isku xirka labada Shabeelle iyo gobolka Hiiraan, maadama ay yihiin gobollo dhinacyo badan xuduud ka leh.

Deegaannadaan  ciidanku ay la wareegeen ee u dhaxeeya magaalada  Balcad iyo  xarunta gobolka ee Jowhar ayaa kala ah Gololeey Daa’uud, Deegaanka Xawaadley,  Baadiyaha Qalimow, Basro, Shanlow Mareerey, Maqdas Baaney , Buulo-doonka,  oo dhammaantood hoostaga gobalka Shabeellaha dhexe, ciidanka ayaa ka wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud.

Deegaanka Xawaadley ayaa ah deegaan si gaar ah muhiim u ah, maadaama ay ku taallo Buundo dheer oo la isaga gudbo sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, sidoo kale deegaanka Basra ayaa  muhiimad gaar ah leh marka loo eego sida ay tahay in la isaga gudbo labada gobol, maadama Wabiga laga talaabo, waxaana dhowaan isaga soo baxay ciidanka Booliiska Haramcad.

Ciidanka howlgalka ka wada gobolka uu hoggaaminaayay Korneyl Cismaan Abuukar Xaadoole ayaa sheegay in ay isku furay magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana uu sheegay in ciidanku ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan deegaanno badan oo u dhaxeeya labada magaalo, waxaana adkaa in Jowhar iyo Balcad oo ay wado xariiriso la isku gudbo waayahaani.

Markaas wixii ka dambeeyay ciidanka dowladda ayaa u ruqaansaday deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Raagaceele iyo Jowhar, waxaana ay la wareegeen deegaanno dhowr, iyaga oo ku dhowaaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka mid ah saldhigyada ugu weyn ee Al-shabaab ee gobolka, waxaana ay ku sugnaayeen oo ay ka talinayeen muddo badan halkaasi.

Ciidanka ayaa si buuxda  waxay ulawareegay intii u dhaxeyusay 14-kii bishaan  ilaa 21-ka October oo deegaannada kala ah  Warciise, Bakajeex, Gaaleef, Qoordheere, Warkulan,  xabaalo roobey iyo Wardhagax, xabaalo roobey iyo war dhagax iyo deegaanka Jamaaco, kuwaas oo hoostaga magaalada Jowhar, ciidanka ayaa sheegay in ay kusii jeedaMasaajid Cali Gaduud.

Ciidankii ugu badnaa oo xoogga dalka ka tirsan oo ay hoggaaminayaan saraakiil sarsare iyo xildhibaanno ayaa ku sugan deegaanka Cadale oo deegaan Xeebeed isku xirka gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo Galgaduud muhiim u ah waxaana ay sheegeen in sii wadayaan  howlgallada ka socda Shabeellaha dhexe oo ay kula wareegeen deegaanno  badan.

Goobjoog News