U bood dhigaalka

Akhriso:Sanad Kadib Maxaa Xasan Shiikh Maxamuud u Qabsoomay Dib u-Doorashadiisii?

Sheeko:Amniga

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxaa u buuxsantay muddo sanad ah, kadib markii dib loogu soo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya 15-kii May 2022, waxaana uu noqday shakhsiga kaliya laba jeer ku guuleysatay inuu hoggaamiyo Soomaaliya markii loo guuray nidaamka Federlka.

13-kii May 2022 maalintii hadaljeedinta mushararxiinta ayuu labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ka hor ballan qaaday haddii markale dib loogu doorto madaxweynaha Jamhuuriyadda inuu wax ka qaban doono la dagaalanka Al-shabaab dhameystirka Dastuurka dalka iyo inaan markale dib loogu soo noqon doonin Teendhada Afisyooni.

Dagaalka Kooxda Al-shabaab

Madaxweyanaha oo Ra’iisulwasaare u doortay Xamse Cabdi Barre oo kasoo galay Jubbaland, ayaa siwadajir ah ugu dhawaaqeen in dowladda ay qaadayso dagaal ka dhan ah Al-shabaab, xilligaas oo aysan jirin diyaar garow muuqda oo dowladdu ku jirtay, laakiin madaxweynaha ayaa bilaabay abaabulka beelaha diidan Al-shabaab.

Dagaalka iyo kacdoonka lagu diidan yahay Al-shabaab ayaa ka curtay gobolka Hiiraan, kadib markii Al-shabaab ay gubeen gawaari gargaar u siday degmada Maxaas ee gobolka, kuwaas oo ka baxay magaalada Baladweyne, xilli ay ku dhinteen falkaas dad gaaraya 21 ruux, kuwaas oo isugu jira haween caruur iyo darawaladii gawaarida.

Muddo sanad ah dowladda oo taageero ka helaysa ciidamada deegaanka beelaha oo la abaabulay ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaanno ay ku sugnaayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay, magaalooyinka Xarardheere, Aadan Yabaal, Masaajidka Cali Guduud, Ruunirgood , Ceeldheere iyo degmada Ceelbuur oo lagu wajahan yahay.

Dowladda ayaa wajiga labaad iyo sedexaad ee dagaalka dalbatay kaalmada ciidamada dowladaha safka hore,taas oo lagu sheegay in dowladdu ay doonayso in kooxda si caalami ah loola dagaalo, waxaana qeyb ka noqon doona ciidamo ka socda dowladaha Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo kaalintooda qaadanaya.

Shirka Wadatashiga Qaran

Shirka Wadatashiga Qaran ayaa u muudqay inuu kaga wacnaa dowladdii ka horeysay, waxaana Muqdisho ka dhacay laba kulan oo dowladdu iyo dowlad goboleedyadu ay u dhamaayeen, waxaana laga soo saaray bayaanno kale duwan iyo qodobo ay dhinacyadu isla garteen oo lagu heshiiyay shirarkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkii sedexaad ayaa golaha Wadatashiga Qaran waxaa ay isugu tageen magaalada Baydhabo, kaas oo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamullada, marka laga reebo dowlad goboleedka Puntland oo sheegtay in ay jiraan wax ay ku sheegtay tabashooyin ay ka qabto dowladda, heshiis lagu garay Baydhabo oo la saxiixay qeyb kama aheyn.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safar ku tagay magaalada Garowe intii u dhaxeysay 24-kii August iyo 29-kii, xilli natiijo la’aan ay kusoo dhamaadeen kulamo uu la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli ay jirtay in guddi loo saaray xalinta tabashooyinka Puntland oo ka kooban madaxda Hirshabeelle iyo Galmudug.

Dhinaca Ammaanka

Madaxweyne Xasan ayaa muddadii sanadka aheyd uu joogay xafiiska waxaa lagu amaanay in ammaanka ay wax ka qabtay, kadib markii caasimadda loo dhiibay ciidanka Police Militaire, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda, waxaa ay xasiliyeen caasimadda iyaga oo hoos u dhigay dilalka qorsheysan weerrada iyo Ciyaal Weerada.

Ciidankaan ayaa waxaa teegeero ku bixisay dowladda Imraadka Carabta oo dowladda Madaxweyne Xasn Shiikh la ah saaxiib aad ugu dhow, waxaana meesha ka baxay galaangalkii dowladda Qatar oo hore u taageertay Farmaajo, ciidanka Militaire ayaa ku guuleystay xasilinta caasimadda, iyaga oo wadashaqeyn la yeeshay shacabka Muqdisho

Dhameystirka Dastuiurka 

Baarlamaanka laabadiise gole ayaa meel mariyay guddi ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo kasoo tala bixin doono Dastuurka iyo dib u eegistiisa, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo xukuumadda ay wadajir u sheegeen in sanadkaan lasoo gabagabeynayo Dastuurka dalka, xilli uu qabyo qoraal ahaa muddo 11 sano ah tan iyo 2012.

Dasturka ayaa waxaa uu u xayiran yahay qodobo ay tahay in laga heshiiyo sida Kheyraadka awood qeybsida iyo arrimaha qadyadda Somaliland iyo sida laga yeelayo ayaa kamid ah waxyaabaha hortaagan dastuurka sida ay sheegayaan qubarada daraaseeya, khilaafka dowladda iyo Puntland ayaa sidoo kale ragaadin kara socoshadiisa.

 Arrimaha Deyn Cafinta 

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegtay in la joogo heerkii ugu dambeeyay, waxaana markale ay xukuumadda ay ku celisay in loo baahan yahay wadashaqeynta xukuumadda iyo maamullada dalka, barnaamijkaana yaa soo socday tan iyo dowladdii ka horeysay, iyadoo rajo laga qabo in sanadkaan laga gudbo.

Shirka Culimaa’udiinka

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo ku guuleysta isku keenista Culimada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ra’yi duwanaa, waxaana madaxweynuhu u sheegay in looga baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ay u cadeeyaan xukunka kooxda Al-shabaab, oo ay ku tilmaameen Khawaarij.

Gabagabadii shirka culimada ayaa waxaa laga soo saaray dhismaha golaha culimaa’udiin iyo soo doorashada Muftiga guud ee Diinta looga dambeynayo, waxaana uu ahaa shir ay soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed oo ku tilmaantay in ay tahay guul la gaaray, maadaama uu ahaa kulanii ugu horeeyay oo nuucaan ah oo dhacay.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxaa u buuxsantay muddo sanad ah, kadib markii dib loogu soo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya 15-kii May 2022, waxaana uu noqday shakhsiga kaliya laba jeer ku guuleysatay inuu hoggaamiyo Soomaaliya t markii loo guuray Nidaamka Federlka.

Goobjoog News