U bood dhigaalka

Akhriso:Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Beledweyn iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxyo isxigxigay oo maanta ka dhacay xarunta magaalada Baladweyne, kadib markii gawaari laga buuxiyay qaraxyo lagu weeraray xerada Lamagalaay, waxaana soo baxaya khasaare kale duwan  oo ka dhashay qaraxyada oo si gaar ah uga dhacay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka  Hirshabeelle.

Waxaa la xaqiijiyay in qaraxyada ilaa iyo hadda ay ku geeriyoodeen ilaa 10 ruux, halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale, waxaa dadka geeriyooday kamid ah, Gudomiye ku xigeenkii siyaasada iyo maaliyada Abukar Madeey, wasiirkii caafimaadka Hirshabelle Seki Hurre iyo Afhayeenkii gobalka Libaan Cumar, shacab iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa goobta

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana wararku ay sheegayaan in la geeyay xerada Milatariga ee Lama galaay, xaladdoodana ay fiican tahay sida laga helayo xarumaha caafimaadka Baladweyne.

Xerada Lama galaay ayaa waxaa la xasuustaa qarax ka dhacay Mar 23, 2022 lagu dilay Allah unaxariistee  Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd xildhibaannada Baarlamaankii 10-aad ee Jamuuriyadda xilli ay u tartamaysay kursiga ay ku fadhisay, waxaana sidoo kale goobtaas ku dhintay in ka badan 100 ruux oo kale oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jiray.

Goobjoog News