U bood dhigaalka

Akhriso: Waa Sidee Xaaladda Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay xilli danbe ciidamo ka tirsan dowladda ay weerar ku qaadeen Hotel Maa’idda oo ku dhaw Daljirka Dahsoon, Kaas oo xilliga weerarka uu bilaabmayay ay ku jireen Madaxweeynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib dagaal muddo socday oo dhexmaray ciidamadii weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Madaxda ayaa markii danbe soo gaba gaboobay .

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka lagu qaaday  madaxweeynayaasha.

Midawga Musharixiinta oo ka hadlay weerarka ayaa cambaareyay dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda sida ay sheegen .

Dhanka kale saakay oo lagu balan sanaa in uu taalada Daljirka Dahsoon qabsoomo banaanbax weeyn oo ay soo abaabuleen midawga musharixiinta ayaa baaqday kadib markii ciidamada dowladda oo wato gadiid dagaal iyo hubka nuucyadiisa kale ay la wareegee  Daljirka.

Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa gebi ahan xiran maanta,iyadoo dowladda ay diidan tahay inta badan magaalada in ay shacabku lugtooda ku socdaan.

Guryaha ay dagan yihiin musharixiinta ayaa sidoo kale lagu daadiyay ciidamo badan kuwaas oo diidan in loo gudbo .

Dhanka kale banaanbax ay hor kacayeen  Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa la hor istaagay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay xabado ku fureen banaanbaxa.

Isusoobaxa oo ka dhacayay wadada xiriirisa  Km4 iyo Airport-ka Muqdisho ayey ciidamadu xabado ku kala eryeen dadkii banaanbaxa dhigayay.

Dhinaca kale Qorya cul culuso oo la sheegay in lala bar tilmaameedsan rabay Hotel Jaziira oo ay Midawga musharixiinta tagan yihiin ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho Aden Cadde.

Wararka naga soo gaarayo garoonka aaden cadde ayaa sheegaya in qeyb muhiim ah oo hoostagta Civil Aviation-ka ay bur burtay.

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan iyadoo Ciidamada ay dhufeeysyo kaga jiraan wadooyinka gala goobaha ay Musharixiinta ku sugan yihiin.

Sikastaba jawiga ayaanan la ogeyn meesha uu ku danbeyn doono.