U bood dhigaalka

Al-bashiir Oo Ugu Baaqay Hoggaamiyaasha Africa Inay Ka Hortagaan Ka Ganacsiga Dadka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha qaaradda Africa in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga dadka, waxyaabaha maanka-dooriya, argigixisada iyo waxyaabaha ku hor go’an in la xaqiijiyo amniga gobolka iyo midka caalamiga ah.

Madaxweyne Al-bashiir ayaa hadalkani ka sheegay Adis-ababa taasi oo uu ka dhacayo shirmadaxeedka 30-aad ee midowga Africa.

Dhankiisa wasiirka madaxtooyada Suudaan Fadlu Cabdullahi ayaa sheegay in hogaamiyaasha Africa ay amaaneen dadaallada suudaan ay wado kaasi oo lagu xalinayo deriskeeda.

Wasiir dowlaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Suudaan ay xoogineyso amniga xaduudaha iyada oo ka hortageyso dambiyada ku saabsan ka ganacsiga dadka iyo la dagaalanka argigixisada.

Goobjoog News