U bood dhigaalka

Al-Maskhout oo Caan Ku ahaa Dadka Sharci Darro Lagu Galiyo Talyaaniga oo Lagu Dilay Libya

Sheeko:Dalka

Ninka lagu magacaabo Al-Maskhout oo ka tirsanaa hogaamiyaasha Tahriibka sharci darida ah ka sameeya Badda Mediterranea-ka ayaa jimcihii isaga 8 kale lagu dilay Magaalada Tripoli ee caasimadda Libya.

Ninkan ayaa la sheegay in uu ka soo jeedo magaalada Zuwaara ee waqooyi galbeed ee dalka Libya halkaas oo dad badan si sharci darro looga galiyo Badda si ay ugu tahriibaan Talyaaniga iyo qaaradda Yurub.

Weerarkan waxaa fuliyay Ciidamo si gaar u tababaran, waxaana la sheegay in uu dhacay Xilli aroor hore ah oo Al-Maskhout iyo ciidankiisa oo watay 4X4 ay ka baxayeen guri ay ku ciideen oo Qaraabada ninkan ay daganaayeen.

Dowladda Talyaaniga iyo NATO waxaa ay labada iska fogeeyeen in ay fuliyeen weerarkan lagu dilay Al-Maskhout.

Dilkan ayaa yimid maalin kadib markii  Haweeneyda xiriirka arimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub sheegtay in Howlgallo ka dhan dadka dadka Tahriibiya ay bilaaban doonaan October 7, 2015.

Inta k badan 129,000 oo qof ayaa sanadkan Talyaaniga ka soo galay dhanka Libiya, waxaa kaloo la sheegayaa in faa’ido badan ay arinkan ka helaan Maleeshiyaad badan oo ku sugan dalka Libya.