U bood dhigaalka

Al-shabaab iyo Xoogga Dalka Oo Ku Dagaalamay Deynuunaay

Sheeko:Amniga

Dagaal qaatey Saacado ayaa Waxaa Saakay Aroortii Uu Ka dhacay Deegaanka Deynuunaay Ee Gobolka Bay oo ku yaala inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhabo.

Dagaalka ayaa waxaa ay Wararka qaar sheegayaan in Deegaanka ay Alshabaab Gacanta ku dhigeen inkasta oo aysan jirin Xaqiiq buuxda Maadama Magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan Gobolka Bay ay isgaarsiinta ka maqantahay mudo Shan Saacadood Oo Xariir ah.

Wararka Laga Helayo Taliska Qeybta 60aad ayaa Sheegaya in Ciidanka ay ka war heleen in Wadooyinka Gala Deegaankaasi oo dhan Miinooyin ay ka buuxaan sidaa darteed halkaasi wali magaarin wax gurmad ah,taasi oo Sababtey in mudo dheer isgaarsiinta Hawada ay ka maqnaato.

Deegaanka Daynuunay Waxaa Fariisin Ku leh Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60aad

Goobjoog News