U bood dhigaalka

Al-Shabaab Oo Askar Ka Dishay Kenya

Sheeko:Dalka

Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in askar Kenyan ah ay toogteen ka dib markii ay  weerareen xarun ciidanka  kaga sugnayeen gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya, halkaas oo ay  Al- shabaab ku dileen shan sarkaal oo ka tirsan  ciidanka boliiska Kenya, halka saddex kalana ay dhaawacyo soo gaareen, oo mid ka mid ah xaaladiisa caafimaad ee aad u liidato, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, Eric Oronyi, oo ah taliye ku xigeenka saldhigga Lafey ee hoos yimaada deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari.

Eric Oronyi, waxaa uu intaas ku daray in Al- shabaab ay burburiyeen isgaarsiintii saldhigga booliska, waana xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Al-shabaab ayaa weeraro joogta ah ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay cadaadis ugu saarto  Kenya inay ciidamadeeda ka jooga soomaaliya kala baxdo.

Kenya ayaa qeyb ka ah ciidanka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM, kuwaasi oo dowladda  Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Goobjoog News