U bood dhigaalka

Al-shabaab oo dagaal ku qabsaday deegaanka Kudhaa ee gobalka Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay deegaanka Kudhaa ee gobalka Jubada Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka KMG ee Jubba.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay 20 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay sida Goobjoog Fm, ay u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xaaladda deegaanka Kudhaa weli waa mid kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas dhacaysa, ciidamada maamulka KMG ee Jubba, waxay deegaankaasi ka joogaan meel duleedka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco warareena kale Insha Allah.

Goobjoog News