Al-shabaab Oo Dagaal Kula Wareegtay Deegaanka Goofgaduud, Baay

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay dagaal ku qabsadeen Xarakada Al-shabaab, kadib weerar dhowr jiho oo deegaankaasi kusoo qaadeen.

Abaare Salaadii subax ee saakay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab waxaa dhexmaray dagaal xooggan, waxaana dagaalkaasi uu socday in ku dhow Saddex Saac.

Saddex qof oo dhinacyadiii dagaallamay ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ku dhinteen, iyadoo dhaawacana gaarayo 10 sida ay goob joogayaal inoo sheegeen.

Ugu dambeyn Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal dheer kadib la wareegtay deegaanka Goofgaduuud, iyadoo halkaasi ay soo faarujiyeen ciidanka dowladda Federaalka ah.

Deegaanka Goofgaduud waxa uu 25-km u jiraa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW