U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Degmada Baardheere Ku Toogtay Afar Qof Oo Ay Ku Eedeeyeen Basaasnimo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxa ay ku toogteen Afar Nin oo sy sheegeen in ay ahaayeen Basaasiin.

Gudoomiyaha Maxkamada Ururuka Al-shabaab u qaabilsan gobalka Gedo ayaa Afarta qof ku xukumay in la dilo, waxaana magacyadooda ay kala yihiin dadka la dilay.

1-   Cumara Muxamed Kheyr da’diisu waxaa lagu sheegay  29-sano jir waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.

2-   Cabdi Wali Muxamed Siraad da’diisu waxaa lagu sheegay 40 sano jir waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay hey’ada CIA-da Mareykanka iyo Sirdoonka Ethoobiya.

3-   Nuur Sheekh Rashiid Xaaji Xirsi da’diisa waxaa lagu sheegay 40 sano jir, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka dalka Itoobiya.

4-   Cabdi Fataax Cusmaan Cabdulle da’diisu waa 21 jir waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dowladda Federaalka ee Xassan Sheekh.

Al-shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan sidaan oo kale waxa ay horay ugu dileen shaqsiyaad ay ku eedeynayeen in ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo dowladda caalamka ka mid ah.

Goobjoog News