U bood dhigaalka

Xoogga Ka Tirsan Al-shabaab oo Dib u Qabsaday Deegaannada Moqokori iyo Yasooman

Sheeko:Amniga

Xooggag ka tirsan Al-shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanno maanta ay ka baxeen ciidanka dowladda iyo kawa deegaanka oo ka tiran gobolka Hiiraan, kuwaas oo howlgalladii ugu dambeeyay ay ciidanku kula wareegeen deegaannadaas, ciidanka ayaa isaga baxay deegaannadaan kadib markii khilaaf uu soo kale dhexe galay.

Al-shabaab ayaa gudaha u galay deegaannada Moqokori iyo Yasooman sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha Bulshada, ciidamadii ka baxay deegaannadaan ayaa u ruqaansaday degmooyinka Maxaas iyo Buulo Burde, waxaana guul darro kusoo dhammaaday wadahadallo uu garwadeen ka ahaa guddoomiye Jeyte.

Ciidanka dowladda ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka waday gobolka Hiiraan iyagoo taageero ka helaya ciidanka  deegaanka, waxaana Al-shabaab ay ka saareen deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan, majiro war kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan sababata ciidamada huwanta ay uga baxeen goobahaas.

Goobjoog News