U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Dilay Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ku dileen mas’uul ka tirsanaa maamulka magaaladaasi.

Xuseen Maxamed oo ahaa guddoomiye ku xigeenka qorsheynta iyo dib u dhiska maamulka magaalada Marka ee Koonfur Galbeed ayaa la xaqiijiyey in xalay ay dileen Al-shabaab.

Maamulka Marka ayaa xaqiijiyey dilka mas’uulkan, waxaana ay tilmaameen in si gaadmo ah lagu dilay.

Mas’uulkan xalay la dilay ayaa kamid ahaa sida la sheegay maamulka cusub ee dhowaan Koonfur Galbeed u magacaabay Marka.

Ciidamada ammaanka Marka ayaa wada howlgallo ay ku sheegeen iney ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Goobjoog News