U bood dhigaalka

Al Shabaab oo Fagaara Ku Yaalla Degmada Jamaame Ku Toogatay 6 Qof

Sheeko:Amniga

Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa waxa ay fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ee gobalka Jubbada hoose ku toogteen 6 qof oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaysay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay hadalk u dhigeen.

Goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dadweyne ah, waxaana raggaan ay Shabaab sheegeen inay si dhow ula shaqeyn jireen sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.

Ragga Al shabaab ay toogteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamada Iidow Aadan, Aadan Cabdullaahi Xaaji, Cusmaan Cabdulle Afrax, Xassan Hafow Saney, Maxamada Cali Madkeerow iyo Hilowle Bashiir Aadan.

Goobaha ay dalka kaga suganyihiin Al shabaab ayaa waxa ay sidan oo kale uga fuliyaan dilal kala duwan oo ay ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News