U bood dhigaalka

Al-shabaab oo gaari Qaad siday ku gubay deegaan u dhow Baar-dheere

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa maanta baabuur qaad sida ku gubay deegaan u dhow degmada Baar-dheere ee gobolka Gedo.

Wararka laga helayo deegaanka Faan-weyn ayaa sheegaya in Al-shabaab ay jidka u galeen baabuur Qaad (Jaad) u siday degmada Baar-dheere oo halkaasi ay ku gubeen.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa gebi ahaan gubay gaariga iyo qaadkii saarnaa.

Ma jiro wax dagaal ah oo dhex maray ganacsatadii jaadka wadatay iyo Al-shabaab sida ay Goobjoog FM u xaqiijiyeen qaar ka tirsan dad goobjoogayaal ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa kol hore jaad ugu gubtay duleedka magaalooyinka Mandheera iyo Ceel-waaq.