U bood dhigaalka

Al Shabaab Oo Gudaha Kenya Ku Weerartay Askar Kenyaan Ah

Sheeko:Dalka

3 Ciidamada Booliiska Kenya ayaa lagu dhaawacay weerar ay Al shabaab ku qaadeen Magaalada Mandheera, Ciidamada ayaa la weeraray iyagoo ku wajahan magaalada Carabiyo,

Sida ay sheegeeen ciidamada Booliiska Kenya, Alshabaab ayaa miino ku aasay wadada taas oo keentay in uu baabuurta mid ka mid ah uu qarxo, waxaa 2 alife Bishaar Isack oo darawal u ahaa Kolonyada mid ka mid ah ayaa sheegay in ciidmada iyo Alshabaab ay muddo daqiiqado ah ku dagaaleen wadada.

Dhanka kale, Booliiska ayaa sheegay In Alshabaab ay weerareen xarun ay ku leeyihiin deegaanka Aluumbu oo ka tirsan Mandheera, weerarkan kale wax khasaare ah kama dhalan,

Goobjoog News