U bood dhigaalka

Al-shabaab oo Guryo Ku Gubay Tuulooyinka Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in rag ka tirsan Al-shabaab ay guryo ku gubeen Tuulooyin hoos taga degmada Baxdo ee gobolka, kuwaas oo ay deganaayeen dad shacab ah.

Al-shabaab ayaa gubay guryo ay deganaayeen dad shacab ah, tuulooyinka la gubay ayaa kala ah Biyo Days oo 15Km u jirta Dagmo Baxdo iyo Tuulada Meegaag Duub ayaa Baxdo u jirta 18Km.

Xalay saqdii dhexe ayey aheyd markii la gubay guryaha, ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabka, guryaha la gubay ayaa ahaa guryo aysan cidna jiifin xilliga dabka la qabadsiiyay.

Al-shabaab ayaa rag ka tirsan waxaa ay asbuucii lasoo dhaafay ay gubeen Ceelal iyo Barkado ku yaalla deegaanno hoos taga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, waa dhacdadii labaad oo ka  dhacda Galmudug.

Goobjoog News