U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Hogaamiye Kale Laga Dilay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi (Farmajo) ayaa  sheehay in la fuliyay howlgal qorsheysan oo ay qaadeen waxa uu ugu yeeray saaxibada Soomaaliya, howlgalkan oo ka dhacay meel ka baxsan  Benaadir waxaa  lagu dilay hoggaamiye sare eoo  Al-Shabaab ah.

Dowladda ma sheegin magaca ninkaasi, laakin waxaa jirtay in ciidamada Mareykanka ay sidoo kale todobaadkii hore weerar ay nqaadeen ku dileen mas’uulka Alshabaab ee Banaadir Cali Jabal.

Dalka Mareykanka ayaa ciidamo gaar ah u soo diray Soomaaliya, Trump maamulkiisa waxaa ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab, waxaana muuqata in ay xoojiyeen weerrada ka dhanka ah.

Dhinaca kale, qoraal ay soo saareen Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay Khamiistii qaadeen labo weerar, kaas oo ka dhacay meel u dhaw Banaadir, Mareykanka waxaa ay intaa raaciyeen in tillaabadan u qaadeen khatarta ay ku hayaan Alshabaab Mareykanka iyo xulafadiisa, mana sheegin wax khasaare ah.

Goobjoog News