U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in habeenkii xalay ahaa ay madaafiic ku garaaaceen magaaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Madaafiicdaan oo ahaa Hoobiye ayaa socotay in ka badan 20 daqiiqo, waxaana ay ku dhaceen xaafado  ka tirsan Baydhabo, garoonka diyaaradaha magaaladaasi iyo meello ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Ugu Yaraan 2 qof oo mid ay haweeney tahay ayaa duqeyntan ku dhintay, Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Madaafiicda qaar ay ku dhacday hoy ay dadkaasi deganaayeen.

Xaafadda Wadajir ee Magaalada Baydhabo ayaa madaafiicda xooggeeda ay ku dhacday, waxaana inta ay duqeynta socotay la sheegay in shacabka ku dhaqan magaaladaasi qalqaleen oo ay hurdadii ka wada kaceen.

Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maanta ay wadaan howlgallo ay ku daba socdaan dagaalyahannadii xalay duqeeyay magaaladaasi.

Garoonka diyaaradaha Baydhabo oo madaafiicda qaar ay ku dhacday waxaa deggan ciidamo ka tirsan AMISOM.

Al-shabaab weli kama aanay hadal duqeyntan ay ka geysteen magaalada Baydhabo, hase ahaatee sidan oo kale ayeey dhowr jeer u duqeeyeen magaaladaasi.

Bishii Ramadaan ee tagtay xilli habeen ah ayeey Al-shabaab madaaafiic ku garaaceen magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo dadka shacabka ah soo gaaray.

Goobjoog News