U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Muqdisho Ku Toogatay Taliye Ka Tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Sheeko:Amniga

Taliyihii ciidamada sirdoonka ee magaalada ku taalla koofurta Soomaaliya ee Qoryooley ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sabtidii sida uu xaqiijiyey sarkaal boliis ah.

Maxamed Isxaq oo ah sarkaal boliis ah kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu sheegay Wakaaladda wararka ee Anadolu qadka taleefanka in taliyaha rasaas ay kala eegteen xabadka dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarrakada Alshabaab.

“Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa dilay Dhaayow Cismaan oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey hay’adda sirdoonka qaranka ee magaalada Qoryooley. Dhawr xabbadood ayaa xabadka looga dhuftay isagoo isla goobta ku geeriyooday,” ayuu yiri Isaaq.

Saraakiisha boliiska iyo laamaha kale ee amniga ayaa gaaray goobta falku ka dhacay waxayna billaabeen baaritaan ku aaddan sidii wax u dhaceen.

Xarrakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkii ugu sarreeyey hay’adda NISA ee magaalada Qoryooley.

Anadolu.