U bood dhigaalka

Al-shabaab oo qabsatay Deegaanka Fiidow iyo Deegaano kale

Sheeko:Dalka

Sida dad deegaanka ah ay sheegayaan Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay deegaanka Fiidow kadib markii ay baneeyeen ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda.

AMISOM ayaa Khamiistii ka guuray Buqda-Aqable oo ka tirsan Hiiraan, Lama oga sababta ciidanka Afrikaan ah ay uga baxayaan Magaalooyin ay horay uga qabsadeen Al-shabaab.

Fiidow oo Shabeelada dhex ah iyo Buqda oo Hiiraan ah waxay qeyb ka yihiin magaalooyin ay ku sugneed AMISOM balse Al-shabaab ay la wareegtay.

Deegaanadaas waxaa joogo Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneen AMISOM sida Goobjoog News u xaqiijiyeen taliska ciidanka AMISOM ee Hiiraan.

Wadada isku xirta Fiidow iyo Buulo-Burte ayaa horay  loo furay kadib markii ay cabasho sanado badan socotay ay ka timid dadka deegaanka, Wadadadii ayaa mar kale gacanta u gashay Al-shabaab.