U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Qafaashay Gaari Loogu Ololeynayey Madaxweynaha Kenya

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay iney qafaasheen mid kamid ah gaadiidka loogu ololeynayey xisbiga Jubilee oo uu u sharaxan yahay madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Gaarigan ayaa lagu qafaashay waqooyiga magaalada Mandhera, waxaana la socday sida la xaqiijiyey dhallinyaro kamid ah kuwa ololaha ee Jubilee.

Charles Chacha, taliyaha ciidamada Booliiska waqooyiga Mandhera ayaa sheegay in Afduubkan uu dhacay gelinkii dambe ee shalay, islamarkaana ay uga shakisan yihiin iney qafaasheen Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu taliyaha xaqiijiyey iney la yihiin gaarigaasi, darawalkii waday iyo sidoo kale dadkii gaariga saarnaa oo aanu weli tiradoodu sheegin.

Taliye Chacha ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Kenya ay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan gaarigan la qafaashay iyo dadka la socdey.

Al-shabaab ayaa dhowaan u sheegay in ay tallaab ka qaadi doonaan cid walbo oo ka qeybqaadata doorashada dalka Kenya.

Goobjoog News