U bood dhigaalka

Al-shabaab oo Qaraxyo Ku Weeraray Xerada Mareykanka Ee Balli-doogle

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeeladaha hoose ayaa sheega in goordhow ay Al-shabaab ku weerareen labo qarax.

Deegaanka oo ah saldhig militari iyo xarun u ah Mareykanka ayey Al-shabaab ku dhufteen labo qarax oo nooca gawaariga ah.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay Goobjoog News in qaraxyada ay kala horeeyeen daqiiqado, kana dhaceen abaabka xerada, 30 daqiiqo oo xabadda socotay kadib, Al-shabaab ayaa la sheegayaa iney u carareen dhanka galbeedka.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro xeryaha ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeelada hoose, laakin waa weerarkan Balli-doogle waa mid noociisa ah.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhinacyada ah, laakin weli nooma suurogelin in aan helno xog intaa ka badan.

Wararkan kala soco Goobjoog

Goobjoog News