U bood dhigaalka

Al-shabaab oo Qarxisay Ceelal Ku Yaalla Gobalka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegannada Maarsa-mage, Qaayib, Dhuumodle, Cada-kibir, Dhisaq-shurufle iyo cali-wayd oo dhammaan hoostaga degmada Baxdo ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in ururka alsbabaab ay xalay ku gubeen dhammaan ceel biyoodyadii dadka deegaanka.

Deegaannadaas oo xubna ka tirsan ururka alshabaab ah weerar ku soo qaadeen xalay, ayaa waxaa ay bur bur u gaysteen baraago iyo ceelashii dadka ay ka dhaansan jireen.

Ma jirto wax qasaaro nafeed ah oo deegaannadaas alshabaab ay ka geysteen, balse waxa sidoo kale burburiyeen dhismayaal isgaarsiin oo ku yaalla tuullooyinkaas.

Si kastaba bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii deegaanka Baxdo alshabaab looga dilay ku dhawaad 100 qof.

Goobjoog News