U bood dhigaalka

Al-shabaab oo sheegatay weerarkii Diyaaradda Daallo

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa maanta sheegtay weerarkii lala eegtay diyaaradda Daallo  2-dii bishan, qaraxan waxaa ku dhintay 1 qof, waxaana ku dhaawacmay 2 kale.

Xarakada waxaa ay soo hadal qaadeen in hadafkooda uu yahay sirdoonka reer galbeedka ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo Turkiga iyagoo soo qaatay gacanta reer galbeedka ay sii yaan AMISOM iyo duqeynta ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Mar ay ka hadleen dalka Turkiga waxaa ay sheegeen in Turkiga uu xubin ka yahay NATO oo sida ay sheegeen cadaw ku ah muslimiinta, Turkiga waxaa kaloo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka yahay ama uu burburinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Al-shabaab waxaa ay wacad ku mareen in ay sii wadayaan bar tilmaameedsiga danaha reer galbeedka iyo ahdaafta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Goobjoog News