U bood dhigaalka

Al-shabaab oo toogasho ku dilay 7 qof

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Buulaay  oo hoostaga gobalka Baay ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab ay deegaanka ku toogteen 7 qof oo rag ah kuwaas oo lagu eedeyay in ay u shaqeynayeen dowladda Soomaaliya.

Raggaan lagu toogtay deegaanka Buulaay, waxaana shabaab ay ku eedeyeen in ay u basaasayeen dowladda Soomaaliya.

Akhriso magacyada ragga la dilay:

1. Cali Maxamed Madoow.
2. Ceymooy Geedi Aadan.
3.Towfiiq Jinaw Aadan ganey.
4. Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim.
5.Cadow Cabdulahi Dhicsow
6. Colaad Cabdiraxmaan Maxamed khalid
7. Nuur cali yarow.