U bood dhigaalka

Al-shabaab oo Weerar Gaadmo ah Ka Fuliyey Gudaha Kenya

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ka fuliyeen gudaha Kenya.

Labo gaari oo ciidan ah ayaa lagu waramayaa in ay dul mareen waxlaha qarxa, taasi oo ka dhacday inta u dhaxeysa Fino iyo Sheekh Barow.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiisha gaawirada saarnaa ay badbaadeen, kadibna uu halkaasi dagaal ka dhacay.

Al-shabaab ayaa usoo cararay dhanka xadka Soomaaliya, waa mid ka mid ah weerarada ay sida joogtada ah uga fuliyaan gudaha Kenya.
Goobjoog News