U bood dhigaalka

Alexandre Lacazette oo ka mid ah shan ciyaaryahan oo ay fasixi karto Kooxda Arsenal

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa fasixi karta shan ciyaaryahan oo waa weyn, waxaana ka mid ah xiddigahaas weeraryahankeeda Alexandre Lacazette.

Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay iska fasaxdo shan xiddig oo waa weyn si ay uga faa’iideysato booskooda iyo lacagaha ay ka heleyso iibka xiddigahaas.

Shan ciyaaryahan oo ka mid ah kuwa waa weyn ee Arsenal ayaa ka dhaqaaqi kara garoonka Emirates sida ay daabacday Jariiradda The Mirror.

David Luiz, Hector Bellerin, Mohamed Elneny, Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah ayaa laga yaabaa in loo ogolaado inay ka tagaan garoonka Emirates marka ay dhammaadaan qandaraasyadooda ama dalabyo ku habboon miiska la soo saaro.